Saturday, April 16, 2016

siyaabo badan oo aad jirkaga ugu daryeeli artid ama ugu qurxin karto liindhanaanta

Sida Jirka Loogu Qurxiyo Liin Dhanaanta

Liin dhanaantu waxay leedahay faa’idooyin badan iyo fiitamiino caawinaysa maqaarka dadka, kana dhigaya mid ifaya oo qurxoon.
Macdanaha iyo fiitaminada kujira  liin dhanaanta ee u wanaagsan maqaarka jirka waxaa ka mid ah, Vitamin C, Citric acid, Potassium iyo Lutein.
Dhaldhalaalinta iyo baabi’inta dildillaaca jirka:download (5)
isku dar Jaallaha ukunta iyo hal qaado oo saliid galley iyo liin dhanaan si fiican isugu qas kadib
wajiga saaro  markuu qalalo ku  dhaq biyo qandac ah, Qaabkaan wajiga ayay ka sifaysaa laablaabka iyo jeexjeexa
Baabi’inta finanka (Acne):download (3)
Waxaad  isku qastaa 1 ukunta cad ah , qaado barkeed malab ah iyo 1 qaado 00 liin dhanaan ah  kadibna wajiga oo nadiif ah saar, sug 15 daqiiqo markuu si fiican u qalalo biyo qandac iskaga mayr kadibna shukumaan nadiif isticmaal.
liin dhanaantu waa antibacterial oo waxay dishaa finanka iyo nabraha. Ukunta cad waxa ku jira fiitamino iyo macdan nafaqeeya maqaarka jirka, waxay siisa protein maqaarka jirka ka ilaaliya waxyeelada sidoo kale ukunta cad waxay la dagaalantaa finanka.
Caddeynta iyo dhaldhalaalinta: liin dhanaan_malab_caano
Isku dar 1 qaado oo caano ah 1 qaado oo biyaha liin dhanaanta ah iyo 1 qaado oo malab ah, dhammaantood  si fiican iskugu qas. kaddib wajiga mari. sug 20 daqiiqo kadibna iska mayr. qaabkaan waxaad ka faaidaysaa dhalaal iyo qurux.

Sida loo Baabi’iyo madowga fuula suxulka iyo jilbaha:cusbo saliid liin dhanaanta
Waxaad isku dartaa 2 qaado oo biyaha liin dhanaanta ah iyo 1 qaado oo saliid saytuun ah (olive oil) iyo koob barkiis cusbo ah si fiican iskugu qas kadibna mari suxulada iyo jilbaha. Maalin kasta ayaad samayn kartaa qaabkaan.
Caddeynta ilkaha:Baking-Soda-and-lemon
Waxaad isku qastaa qaado barkeed liin dhanaan ah iyo qaado barkeed kicisada burka ah/baking soda kadibna ku cadayso ilkaha, daqiiqad kadib ka luqluqo.

No comments:

Post a Comment