Saturday, April 16, 2016

Naftaada waxtar Umadana waxtar

Naftaada waxtar Umadana waxtar:

‪ السلام عليكم ورحمت الله وبركاته.
QOF WALBAW NAFTAADA WAXTAR UMMADDAADANA WAXTAR.
1-Meelkasta oo aad aduunka kaga nooshahay fursad baa taalla ee noqo kan ka faa iidaysta.
2-Umadaha ula dhaqan sida adigu aad jeceshay in laguula dhaqmo.
3-Ogoow safiir baad umaddaada u tahay meelkasta oo aad joogtid.
Hagaaji Hab dhaqankaaga,Wanaaji hadalkaaga Bulshaa dhexdeeda.
4-Ruux wax barta noqo inta noloshaada ka dhimman.
5-Qof shaqaysta noqo meelkasta oo aad ku nooshahay.
6-Noqo Ruux ilmihiisa U fakara Noloshooda iyo Aqoontooda.
7-Noqo qof Caadil ah.
8-Baarri u noqo Alle iyo Rasuulkiisa(scw)
9- Baarri u ahaw Naftaada,Ilmahaaga,Waalidkaaga,iyo ummadda muslimiinta ah khaasatan Riximkaaga.
10-Ha noqon Doqon  kibra.
11-Xasuuso mar walba dhibkii ku soo maray,una mahadceli Allaha Kaa saaray.
12-Rajadaada weynee Allana Marwalba wax wanaagsan ka filo.
13-Ku dadaal wax kasta oo ku anfacaaya Aakhiradaada iuo Aduunyadaada.
Mahadsanidiin.,,4/25/2015
‪ACWR .DULQAADKU WAA GUUSHA QOFKA.
Cibaadadu Dulqaadbay u baahantahay(الصبر).
-Tawxiidka.Salaada,Soom,Xajj,Bixinta Zakada.
Maalka. oo Wax laga Bixiyo Adkaysi ayay u baahantahay(الصبر)
Dagaal in la galaa Dulqaad bay u baahantahay.(الصبر)
Nabad in laqaataana Dulqaad bay u baahantahay.(الصبر)
Ummad in la Hogaansho oo loo adkaysto Dhib iyo Dheefba.Dulqaadbay u baahantahay.(الصبر)
In reer la yeesho ,Caruur la Dhalo oo hadana si wanaagsan loo koriyo .
Noloshooda,Waxbarashadooda.Quraan,School,intaba loogula dadaalo Dulqaadbay u baahantahay.(الصبر)
Riximka mu miniinta ah ku dhex jirkooda wax u quuristooda u jilicsanaantooda Adkaysi bay u baahantahay.(الصبر)
Waalidkaa Aabe iyo hooyo Waxtarkooda,Dhagaysigooda,Xiriirinta Qaraabadooda Dulqaadbay u baahantahay(الصبر)
Dadba Dadka Ay ka dulqaad badanyihiin Way ka horumaraan.
By.Sh,Abdirashid Istawuu
,
by Sh.Cabdirashiid استوو

No comments:

Post a Comment